Yaan nahay?

 

  • Waxaan nahay hay’ad samafal oo madax banaan waxaan xafiisyo ku leenahay Glasgow iyo Dundee. Waxaan macluumaad iyo talo siinaa dadka magangalyo doonka ah iyo qaxootiga ku nool Scotland. Waxaan kaloo u ololeynaa nidaam wanaagsan oo magangalyo ah si loo helo kor u qaadis wacyigelin ah ku saabsan arimaha saameeya qaxootiga,waxaana la shaqeynaa bulshada deegaanka iyo ururada.
  •  Ma dalbatay magangalyo? Miyaad heshay go’aan magangalyo doonkaada ku saabsan?

 

 

Waxaan halkaan u joognaa inaan idin caawino. adeegyadeena waxay ku siin karaan macluumaad iyo talooyin ku saabsan arimo badan oo ah.

  • Sida aad ku heli laheyd guri.
  • Sida loo dalbado taageero dhaqaale.
  • Sida iyo habka aad u heli laheyd waxbarasho, tababar, tabarucid, iyo sidaa ku heli laheyd shaqo.
  • Helitaanka daryeel caafimaad ama arrimo kale oo kaa caawiya sidii aad u heli laheyd taas.

 

Fadlan ogoow waxaan ku arki karnaa hadii aad balan leedahay,hadaba waxaad soo wacdaa qadka caawinta ama wada sheekeysiga tooska ah. Waxaan  talo ku bixin karnaa qadka taleefanka luuqado badan ama balan kaaga sameyn karnaa la taliyayaasheena.hadii aad timaatid xafiiskeena adigoon balan laheyn ogoow ma awoodno in aan ku aragno ama ku caawino isla maalintaas.

Qadka caawinta: 0808 196 7274

Waxaa kale oo jira:

 

  • U ololeyta xuquuqda dadka 
  • Caawinta ururada kale oo la shaqeeya, ama u orda qaxootiga iyo magangalyo doonka, una saamaxaaya inay cod ku yeeshaan dhankasta oo ka mid ah bulshada Scottish ka.
  • Isku dubida farshaxano kala duwan iyo munaasabado dhaqameed sanadka oo dhan oo ay ku jiraan dabaal degyada sannadlaha ah ee qaxootiga Scotland .
  • Kor u qaadida astaanta magangalyada ee Scotland iyo boqortooyada midoowday, iyada oo loo sii maraayo shaqadeena is gaarsiinta, taas oo ay ku jirto taageerida magangalyo doonka iyo qaxootiga inay cod ku yeeshaan warbaahinta.
  • Abaabulaan barnaamij dhacdooyin tababareed oo loogu talo galay shaqsiyaadka iyo ururada la shaqeeya qaxootiga iyo nabadgalyo doonka.