![]()
Haweenka
Kooxda Haweenka Golaha Qaxootiga Scotland (Scottish Refugee Council's Women's Group)
Haddii aad tahay qof dumar ah oo qaxooti ah kuna nool Glasgow waxaad iman kartaa kulanka Haweenka oo dhaca galabnimada Isniinta. Waxaan nahay koox kaalmo niyadeed iyo mid bulsho u fidiya haweenka qaxootiga ah iyo carruurtooda. Ujeeddada kooxda waxa weeye in la sameeyo degaan sugan oo qof kasta si qiimo leh uu aragtidiisa ugu dhiiban karo. Waxaan markasta doonaynaa inay haween cusub yimaadaan ayna ka qaybqaataan hawlaha socda ama inay la kulmaan haween kale, shaah wada cabbaan ama cunto wada cunaan.
Kooxdu waxay ku kulmaan Quaker Meeting House Elmbank Crescent (oo kasoo horjeeda Saldhigga Tareenka Charing Cross kana dambeeya Tiyaatarka Kings ee ku yaal waddada Bath Street) waxaana la kulmaa galabnimada Isniinta 14:00 ilaa 17:00.
Faahfaahin dheeraad ah soo wac lambarkayaga lacag la'aanta ah 0800 085 6087 ama iska imow. Waxaa jira hay'ado badan oo si gaar ah ula shaqeeya haweenka Scotland.
Booqo Xiriirro muhiim ah si aad faahfaahin dheeraad ah uga heshid hay'adahan.
Xiriirrada Warbixino Dheeraada
Caafimaadka haweenka waxyaabo badan ayaa saamayn kara, sida cuntada ay qaataan, caafimaad darro ama waxyaabo kale oo xun oo ku dhacay. Warqaddan waxay kuu sharraxaysaa tallaabada aad qaadi lahayd haddii aad xaaladdan la kulantid:
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
