![]()
Ku dhex safridda Glasgow
Basaska
Basaska ayaa ah gaadiidka ugu jaban ee lagu safro Scotland. Si aad baska xaafadda u fuushid waa inaad tagtaa goobta basku istaago oo uu ku qoran yahay lambarka baska aad doonaysid. Sida badan waxaa sahlan inaad baska gacanta u taagtid si dareewalku u ogaado inaad doonaysid inuu kuu joojiyo.
Lacagta aad dareewalka siisid waxa la yiraa 'qiimaha baska ama bus fare'. Basaska badankoodu ma soo celiyaan lacagta dheeraadka ah sidaas darteed waa inaad ku dadaashaa inaad siisid lacagta saxda ah. Carruurta da'doodu tahay ilaa 5 sano waxay safraan lacag la'aan. Carruurta da'doodu u dhaxayso 5 iyo 16 waxay bixiyaan lacag aan ahayn qiimaha buuxa. Waxaad iibsan kartaa tikidhka hal dhinac ama mid aad kusoo laabatid. Haddii aad sida badan ku safartid baska waxa kuu habboon inaad iibsatid tikidh usbuuc-le ama bil-le ah. Waxaad tikidhkaas ka iibsan kartaa Xarunta Safarka (Travel Centre). Waxaad lambarrada basaska, qiimaha iyo waqtiyada ka ogaan kartaa saldhigga basaska ee Buchanan Street Bus Station iyo St.Enochs Travel Centre.
Waxa hoos ku qoran khadadka qaar ka mid ah basaska Glasgow:
62 Route - Faifley - Clydebank - Scotstoun - Partick - City centre - Parkhead - Shettleston - Baillieston
75 Route - Milton - Ashfield - Possilpark - City Centre - Gorbals - Kings Park - Castlemilk
12 Route - Woodhill - Auchinairn - Balornock East - Barmulloch - Barnhill - Sighthill - City Centre - Gorbals - Polmadie - Rutherglen
45 Route - Woodhill - Stobhill Hospital - Springburn - Sighthill - City Centre - Queens Park - Shawlands - Thorliebank
Tareennada
Saldhigyada tareennada labada ugu waaweyn ee ku yaal bartamaha magaalada Glasgow waxay kala yihiin Queen Street iyo Central station. Labadan saldhig waxa ka baxa tareennada taga degaamada dhow iyo kuwa dalka oo dhan.
Halkan waxaad ku arkaysaa maabka khadadka tareennada Glasgow.
Tareenka Dhulka Hoostiisa (The Subway)
Tareenka dhulka hoostiisa mara waxa uu isku xiraa goobaha bartamaha Glasgow. Ka hor inta aadan fuulin tareenka dhulka hoostiisa mara waa inaad tikidhka ka iibsataa xafiiska tikidhada ama mid ka mid ah mishiinnada yaalla saldhigga tareenka.
Tareenka dhulka hoostiisa mara waxa uu shaqeeyaa Isniin ilaa Sabti 6:30 - 23:00 iyo Axadda 11:00 - 18:00.
Maabkani waxa uu tusinayaa khadka tareenka dhulka hoostiisa ee Glasgow.
Xiriirrada Warbixino Dheeraada
Warbixinaha Basaska Glasgow
Wixii warbixin dheeraad ah booqo boggan oo ku tusinaya waqtiyada iyo qiimaha basaska Glasgow. Waxaa kalood warbixintaas ka helaysaa Buchanan Street Bus Station, St.Enochs Travel Centre ama wac SPT oo lagala xiriiro 0870 608 2608.
Warbixinaha Tareennada Degaanka iyo kuwa Dalkaba
Boggan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan waqtiyada iyo qiimaha tareennada.
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
