Return to graphical site

Scottish Refugee Council

28th August 2008
Advice in your language: English French Farsi Arabic Kurdish Somali Swahili Turkish Urdu
You are here: Home » Advice » Somali » Money

*

Lacagaha

Golaha Qaxootiga Scotland waxay kaala talin karaan dhibaatooyinka lacagaha qaarkood. Tusaale ahaan waxaan kaa caawin karnaa buuxinta foomka aad kaalmada uga codsanaysid hay'adda Adeegga Kaalmada Magangelyada Qaranka (National Asylum Support Service - NASS) marka aad tahay magangelyo doone ama in laguu sheego sida loo codsado kaalmada dawladda marka aad haysatid sharciga qaxootiga.

Xiriirrada Warbixino Dheeraada

Codsashada kaalmo (Sebtembarr 2004)

Dadka magangelyo doonayaasha ah looma oggola inay shaqeeyaan. Maadaama nidaamka magangelyadu waqti qaato waxaad u baahan tahay inaad ka fikirtid sida aad naftaada u kaalmaynasid. Waxa suurtogal ah inaad xaq u leedahay inaad kaalmo ka dalbatid hay'adda NASS. Warqaddan soo saaristeeda waxa lagala kaashaday Golaha Qaxootiga ee England.

Qoyskaaga ma loo diiday magangelyo? (Noofembar 2004)

Adiga iyo qoyskaaga ma la idiin diiday magangelyo? Ma ka heshay Xafiiska Arrimaha Gudaha (Home Office) warqad cinwaankeedu yahay 'Sharcigaaga UK iyo Jadwalka 3aad ee Jinsiyadaha, Socdaalka iyo Xeerka Magangelyada 2000 ama 'Your status in the UK and Schedule 3 to the Nationality, Immigration and Asylum Act 2002'? Warqaddan waxa soo wada saaray Golaha Qaxootiga (Refugee Council) iyo Waxqabadka Qaxootiga (Refugee Action).

Dhammaadka marxaladda magangelyada miyaad tahay muwaadin Ciraaqi ah? (Febraayo 2005)

Haddii xafiiska Home Office-ka uu diiday arjigaaga magangelyada kadibna aad ku guuldarraysatay racfaankii aad go'aankaas ka qaadatay waxaa suurtogal ah in kaalmada ay ku siinaysay Adeegga Kaalmada Magangelyada Qaranka ama NASS ay kaa istaagto.

Xafiiska Talosiinta Muwaadinka (Citizens Advice Bureau)

Xafiiska Talosiinta Muwaadinka waxay bixiyaan talooyin ku saabsan dhinaca lacagaha, guryaha iyo arrimaha kale ee xuquuqdaada khuseeya. Eeg boggan internetka si aad u ogaatid xafiiska talosiinta muwaadinka ee kuugu dhow. Boggan waxa uu u faa'iido badan yahay dadka helay sharciyada qaxootiga ee doonaya inay wax ka ogaadaan xuquuqdooda.

Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.

Ku noqo bogga Talooyinka