![]()
Sharciyada
Aad ayey muhiim u tahay inaad haysatid looyar aqoon leh (wakiil sharciyeed) oo kaa caawiya codsigaaga magangelyada. Golaha Qaxootiga Scotland ayaa kuu tilmaami kara looyar ka tirsan looyarrada ka shaqeeya sharciyada magangelyada ee Scotland. Waxaa kalood looyar aqoon leh ka raadsan kartaa Bogga Bulshada Sharciyada ee Scotland. (Boggan waxa uu ku qoran yahay af Ingiriisi keliya)
Haddii aad doonaysid inaad si faahfaahsan u aqridid nidaamka sharciyada magangelyada UK fadlan booqo qaybta 'Warbixinaha' ee boggan.
Warbixino Dheeraada
Xafiiska Guddoomiyaha Adeegyada Socdaalka (Office of the Immigration Services Commissioner - OISC)
Xafiiska OISC waxa uu mas'uul ka yahay in dhammaan la-taliyayaasha sharciyada socdaalka ay bixiyaan adeeg sharciyeed oo caddaalad ku salaysan. Haddii aad jeclaan lahayd inaad ka dacwootid looyarkaaga la xiriir OISC.
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
