![]()
Guryaha & Daryeelka
Miyey ku kaalmaysaa NASS?
Haddii ay Dawladda UK kaasoo dirtay England kuna gaysay Glasgow waxaad kaalmadaada ka helaysaa hay'ad ka tirsan dawladda oo lagu magacaabo Adeegga Kaalmada Magangelyada Qaranka (National Asylum Support Service - NASS).
Haddii dhibaato kaa haysato dhinaca degaanka, tusaale ahaan sida deris xun, qoyaan guriga ah, qalabka korontada oo jaban, waa inaad wacdaa Shaqaalaha Mashruuca ee ku kalameeya aadna kala xiriirtaa telefoonka lagu siiyey markii aad guriga soo degtay.
Haddii ay weli dhibaato kusii haysato waxaad wici kartaa Mashruuca Kaalmaynta Magangelyo Doonayaasha Glasgow (Glasgow Asylum Seeker Support Project) oo telefoonkoodu yahay 0141 222 7300. Haddii dhibaatadu soo noq-noqoto fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland oo telefoonkooda lacag la'aanta ah yahay 0800 085 6087.
Haddii aad tahay magangelyo doone aan kaalmo ka helin NASS?
Haddii aad dhowaan codsatay magangelyo oo aadan wax kaalmo ah ka helin NASS, Golaha Qaxootiga Scotland ayaa kuu qorshaynaya in si ku meelgaar ah laguu sii dejiyo YMCA Glasgow ilaa inta laguu qabanqaabinayo hoyga ay ku dejinayso NASS. Waxaa talo lagaa siinayaa sidii aad ku heli lahayd kaalmada NASS, wakiillo dhinaca sharciga oo ku matala iyo daryeel caafimaad.
Dadka Codsigooda la Aqbalay
Haddii lagu siiyo sharciga joogitaanka dalkan waxaad haysataa 28 maalmood oo aad uga baxdid degaanka ay ku siiso Adeegga Kaalmada Magangelyada Qaranka ama NASS. Nidaamkani waxa uu noqon karaa mid lagu jaha-wareero sidaa darteed waa muhiim inaad talobixin ka heshid Golaha Qaxootiga Scotland.
Golaha Qaxootiga Scotland ayaa talobixin kaa siin kara dhammaan arrimaha guryaha sida inaad guri ka codsatid shirkad guryood ama kawnsal, inaad guri ka kiraysatid mulkiile gaar ah, qalabaynta gurigaaga cusub ee aad degaysid ama inaad degaan kale u guurtid. Waxaa kaloon kaa caawin karnaa sidii aad u heli lahayd deeqaha dawladda.
Si aad ballan uga samaysatid xafiiskeena Glasgow ama Edinburgh fadlan soo wac lambarkayaga lacag la'aanta ah 0800 085 6087.
Xiriirrada Warbixino Dheeraada
Ma ku haysaa baahi adigoo ku jira marxaladihii ugu dambeysay ee nidaamka magangelyada? (Ogosto 2004)
Waa warqad kuu sharraxaysa fursadaha kuu bannaan haddii aad baahan tahay aadna maraysid marxalidihii ugu dambeeyey ee nidaamka magangelyada?
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
