Return to graphical site

Scottish Refugee Council

28th August 2008
Advice in your language: English French Farsi Arabic Kurdish Somali Swahili Turkish Urdu
You are here: Home » Advice » Somali » Health

*

Caafimaadka

Haddii arjigaaga magangelyada uu yahay mid weli laga fiirsanayo (ama racfaan kuu maqan yahay) waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka ee Adeegga Caafimaadka Qaranka (National Health Service - NHS).

Marka aad meel dagtid waxaad helaysaa warqad laguugu sheegayo inaad iska diiwaangelisid dhaqtarka xaafadda. Haddii aad dhibaati kala kulantid dhaqtarka oo aad iska diiwangelisid la xiriir shaqaalaha kula shaqeeya ee ka tirsan Golaha Qaxootiga Scotland.

Haddii aad kaalmo ka heshid Adeegga Kalmada Magangelyada Qaranka (National Asylum Support Service - NASS) waxay ku siinayaan shaqahaadada HC2 oo lagaa doonayo inaad dokumenti ahaan u tustid dhaqtarkaaga. Haddii ay NASS ku kaalmayso waxaad u baahan tahay inaad buuxisid foomka HC1 si aad u heli kartid daryeel caafimaad. Taas waxa kaa caawin kara Golaha Qaxootiga Scotland.

Qaxootiga (dadka haysta oggolaanshaha joogitaanka dalkan) waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka qaranka UK sida dadka kale.

Sidoo kale dhaqtarkaaga ayaa kaala hadlaya wixii caafimaad dhinaca maskaxda ah ee aad la kulantid: haddii aad dareemaysid hoos u dhac nafsadeed, go'doon ama ay jirto dhibaato kale oo dhib kugu ah inaad ka hadashid. Dhaqtarka ayaa kuu gudbin kara dhaqtar takhasus u leh xanuunnadaas oo u tababaran inay kaa caawiyaan sida aad dareemaysid.

Xiriirrada Warbixino Dheeraada

Caafimaadkaaga
Warqaddani waxay sharraxayasaa muhiimadda ay leedahay inaad dhakhtar ka heshid degaanka aad deggan tahay iyo goorta ay habboon tahay inaad tagtid cisbitaalka.

HIV - Xaqiiqooyinka
Warqaddani waxay sharraxaysaa waxa HIV uu yahay waxayna kuu tilmaamaysaa hay'ado ku yaal Scotland oo qaada tijaabooyinka fayraska isla markaana kaalmo siiya dadka qaba.

Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.

Ku noqo bogga Talooyinka