![]()
Waxbarashada & Shaqada
Carruurta
Waxbarashada Carruurta ee Iskuullada UK waa lacag la'aan, sharci ahaana carruurta da'doodu u dhaxayso 5 iyo 16 waa waajib inay iskuulka dhigtaan. Dhammaan carruurta magangelyo doonayaasha iyo qaxootiga waxay xaq u leeyihiin waxbarasho lacag la'aan ah waxaana loola macaamilaa sida carruurta kale oo dhan.
Waxbarashada iyo Shaqada Dadka waaweyn
Golaha Qaxootiga Scotland waxay bixiyaan talooyin dhinaca waxbarashada oo kalsooni iyo asturnaan leh. Waxaana ka mid ah:
* Talo ku saabsan waxbarashada, tababarka, shaqada iyo mutaddawacnimada.
* Kulamo keli-keli ah oo ku saabsan fursadahaaga waxbarashada iyo aqoonsiga koorsooyinka kuu habboon.
* Talo ku saabsan maalgelinta koorsooyinka, sida lacagta waxbarashada iyo kaalmaynta ardayda.
* Caawimo ku saabsan shaqo raadinta sida diyaarinta cv-ga, araajida iyo diyaarinta waraysiyada.
* Kaalmo ku saabsan waafajinta darajooyinka waxbarasho ee dibedda iyo helitaanka diiwaanka warxbixinaha NARIC iyo turjumista shahaadooyinka, dibloomada.
Si aad ballan uga samaysatid xafiiskayaga Glasgow ama Edinburgh fadlan soo wac lambarkayaga lacag la'aanta ah 0800 085 6087. Haddii kale iska imow xafiiskayaga Waxbarashada Glasgow ama Kulamada Talobixinta Waxabarashada iyo Shaqada Edinburgh:
| Kulanka Talobixinta | Goorma | Goobta |
| Edinburgh | Khamiis 13:00 -16:00 |
Edinburgh Refugee Centre,St, Georges West, 58 Shandwick Place, Edinburgh |
| Glasgow | Arbaca 10:00 - 13:00 14:00 - 16:00 |
Scottish Refugee Council 5 Cadogan Square (end of Cadogan Street) Glasgow |
Xiriirrada Warbixino Dheeraada
Waxbarashada Dheeraadka ee Scotland
Waxaa laga helaa warbixino ku saabsan koorsooyinka kulliyadaha iyo jaamacadaha Scotland.
Badbaadinta Carruurta (Save the Children)
Boggan waxaad ka helaysdaa warbixin wanaagsan oo ku saabsan waxbarashada carruurta.
Waxbarashada iyo u Diyaar-garowga Shaqada
Ma tahay magangelyodoone raadinaya warbixin ku saabsan waxbarashada ama u diyaar-garoobaya shaqo? Boggan waxa ku qoran warbixin faahfaahsan, meelaha lala xiriiro ee degaankaaga iyo xiriirro faa'iido leh iyo tasiilaad. Waxa jira qoraallo kooban oo ku turjuman 8 luqadood.
Ingiriiska Dadka ku Hadla Luqadaha kale (English to Speakers of Other Languages - ESOL)
Boggan internetka waxa ku jira diiwaanka hay'adaha, kulliyadaha iyo ururrada mutaddawiciinta ee bixiya koorsada Ingiriiska Dadka ku Hadla Luqadaha kale ama ESOL. Diiwaankan waxa ku jira in ka badan 60 hay'adood oo casharrada Ingiriiska ka bixiya Degaan-weynaha Glasgow.
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
