![]()
Xabbisnaanta
Hay'adda Socdaalka ee UK waxay leedahay awoodo ballaaran oo arrimaha socdaalka dartood ay ku xiri karaan dadka. Aad ayey muhiim u tahay inaad raadsatid wakiil sharci oo talo kaa siin kara xiritaankaaga iyo kiiska codsiga magangelyada.
Booqdayaasha Maxaabiista Scotland (Scottish Detainee Visitors)
Booqdayaasha Maxaabiista Scotland (Scottish Detainee Visitors - SDV) waa hay'ad samafal ah oo madaxabannaan oo kaalmo niyadeed, bulsho iyo dhinaca socdaalka siisa maxaabiista loo hayo arrimaha sdocdaalka ee ku xiran Scotland, gaar ahana kuwa ku xiran Xarunta Bixinta Socdaalka ee Dungavel. Mutaddwaiciin ka socda SDV ayaa booqda Dungavel laba jeer usbuucii fiidnimada maalmaha Isniinta iyo Khamiista.
Haddii aad xiran tahay ama taqaanid qof kale oo ku xiran kana faa'iidi kara booqasho noocaas ah, fadlan kala xiriir Booqadayaasha Maxaabiista Scotland coordinator@sdv.org.uk, ama telefoonka 0141 248 9799 subaxnimada Arbacada ama maalinta Jimcaha oo dhan.
Xiriirrada Warbixino Dheeraada
Talobixinta Sharciga ee Dadka ay Xirtay Waaxda Adeegga Socdaalka
Bogga internetka ee 'MultiKulti' ayaa kuu sharraxaya xuquuqdaada haddii lagu xabbiso.
Caawinta Maxaabiista Socdaalka (ku qoran af Ingiriisi keliya)
Damiinashada Maxaabiista Socdaalka (Bail for Immigration Detainees - BID) waxay talobixin ka siisaa maxaabiista socdaalka sida ay uga dagaalami lahaayeen xabbisidda lagu sameeyey.
Ma dammaanad qaadanayno in dhammaan goobaha kale ee boggani kugu xirayo ay ku turjuman yihiin luqaddaada. Haddii aad jeclaan lahayd caawimo ama warbixin dheeraad ah fadlan la xiriir Golaha Qaxootiga Scotland adigoo ka wacaya 0800 085 6087.
